(Europe) 09 Maajo 2019. Tottenham ayaa xalay si lama filaan ah ugu soo baxday Finalka Champions League kaddib guul soo laabasho leh 3-2 ay ka gaareen kooxda Ajax.
Ajex oo 2-0 ku hogaamineysay Spurs qeybta hore ee dheeshii ka dhacday garoonkooda ayaa is dhigatay qeybta labaad taa oo ay ka faa’iideysteen wiilasha Mauricio Pochettino.
Yeelkeede, dhacdo ka soo muuqatay intii ay ciyaarta socotay ayaa waxay ka farxisay Muslimiinta caalamka.
Wiilasha heysta diinteena Islaamka ah ee u safta Ajax Hakim Ziyech oo ka ciyaara qadka dhexe ee weerarka iyo Noussair Mazraoui ee ka ciyaara garabka midig ee daafaca ayaa garoonka geeskiisa ku cararay daqiiqadii 22-aad si ay uga soo qaataan cunno yar oo ay ku Afuraan maadaama ay Soomanaayeen.
Hakim Ziyech ayaa nasiib wanaag wax yar kaddib markii uu afuray Gool cajiib ah ka dhaliyay kooxda Tottenham. Balse nasiib xumo kooxdiisa uma soo gudbin FInal ka oo si lama filaan ah ayaa lagu reebay.
Noussair Mazraoui iyo Hakim Ziyech ayaa tababarka qaadanayay iyagoo sooman isla markaana diiday inay afuraan ciyaartii Semi Finalka ay xalay ku wajaheen Tottenham.
Waxaa la xusuustaa in Maxamed Saalax uu afuray Finalkii Champions League markaa ay Real Madrid 3-1 koobka kaga qaaday Liverpool, Wiilka reer Masar ayaana ciyaarta dhammeysan maadaama uu dhaawac daran garabka ka gaarsiiyay Kabtan Sergio Ramos.
Gool FM.