(Madrid) 08 Maarso 2016 – Real Madrid ayaa u muuqata mid hal lug kula jirta wareegga siddeeda Champions League, kaddib markii lugta hore ee wareegga 16-ka Koobka horyaalladda Yurub ay 2-0 ku soo garaaceen kooxda Roma iyadoo lagu ciyaarayo gegeda Olimpico Stadium.
Goolasha lugta hore ee 16-ka Champions League, waxaa Real Madrid u dhaliyey Cristiano Ronaldo iyo Jese, caawa ayeyna kulan ka dhici doona caasimadda Spain ee Madrid ay isku qaban doonaan markale kooxaha Real Madrid iyo Roma.
Haddaba waxaan halkaan hoose ku eegeynaa xiddigaha dhaawaca ku seegaya kulankan, laacibiinta soo laabtay ee ciyaari kara kulanka caawa iyo waliba kuwa hal jaalle u jira inay seegaan lugta hore ee wareegga 8-da Champions League.
Kooxda Real Madrid waxaa u soo laabtay Modric iyo Gareth Bale oo muddooyinkii dhawaa dhaawacyo uga maqnaa kooxda, waxaana la filayaa inuu Bale ku soo bilowdo kulanka caawa markii uu ka soo kabaday dhaawac kubka ah uuna gool dhaliyey usbuucan soolaabashadiisii kulankii ay 7-1 ku xaaqeen Celta Vigo.
Nasiib darro kooxda Los Blancos waxaa dhaawac kaga maqan Karim Benzema, iyadoo Casimiro iyo Sergio Ramos ay halis ugu jiraan inay seegaan lugta hore ee wareegga siddeeda Champions League, haddii caawa loo taago kaarka digiinta ah, isla markaana ay gaaraan wareegga xiga.
Dhinka kale kooxda AS Roma waxaa ka maqnaanaya kulanka caawa De Rossi oo kubka ka dhaawacan iyo Rudiger oo bowdada uu dhaawac ka soo gaaray, waxaase sidoo kale shaki ku jiraa taam ahaanshaha Nainggolan oo gumaarka ka xanuunsanayay.
Gool FM.