(Liverpool) 27 Maajo 2019. Kooxda Liverpool ayaa bilowga bisha soo aaddan waxa ay la ciyaari doontaa final-ka Champions League naadiga ay isku waddanka yihiin ee Tottenham, waxaa la soo sheegayaa in Sadio Mane loo kaxay doono masjidka Al-Azhar ee dalka Masar, halka Mohamed Salah hadiyad ahaan loo siin doono Libaax nool haddii labadan ciyaaryahan ay goolal ka dhaliyeen final-ka Uefa Champions League.
Labadan Weeraryahan ee ka soo jeeda qaaradda Afrika ee Salah iyo Mane ayaa waxa ay galeen ballan inay haddiyad isi siinayaan haddii ay goolal ka dhaliyaan kama dambeysta koobka Horyallada Yurub.
Waxa ay Mane iyo Salah ballan ku galeen in midba midka kale uu siinayo hadiyad haddii uu shabaqa soo taabto kulanka ka dhacaya caasimadda Spain ee Madrid 01 bisha June ee soo aaddan, balse ballan-qaadka Mane ayaa lama filaan ahaa.
Mane ayaa u sheegay Warbaahinta dalkiisa Senegal ballanka ay wada galeen isaga iyo saaxiibkii Salah, waxaana uu yiri: “Waxaan u sheegay Mohamed Salah haddii uu gool ka dhaliyo final-ka Champions League inuu ii ka xeeyo Masjidka Al-Azhar ee dalka Masar, aniga haddii gool aan dhalinaya waxaan hadiyad ahaan u siinayaan Libaax nool.”
Kulanka kama dambeysta koobka horyaallada Yurub ee Champions League ee la ciyaarayo bilowga bisha June, Liverpool waxa ay rajaynaysaa inay hanato koobkeedii lixaad, halka Tottenham ay baadi-goob ugu jirto inay markii ugu horreysay kor u qaado koobka Horyaallada Yurub.
Gool FM.