(Yurub) 28 Maajo 2019. Tababaraha kooxda Liverpool ee Jürgen Klopp ayaa ka soo muuqday shir jaraa’id kahor kulanka finalka Champions League ay sabtida soo aadan kula ciyaari doonaan Tottenham Hotspur.
Jürgen Klopp ayaa ku jees jeesay isagoo qoslaaya dhigiisa kooxda Manchester City ee Pep Guardiola, kaddib markii uu macalinka reer Spain horey u sheegay in horyaalka Premier League uu ka muhimsan yahay tartanka Champions League.
Macalinka reer Germany ayaa kaga faa’ideystay fursad uu helay si uu kaga jawaab celiyo hadalka kasoo yeeray Pep Guardiola, wuxuuna isagoo dhoola cadeenaya sheegay inuusan gaarin finalka Champions League muddo dheer.
“Pep Guardiola waa inuu sheegaa in horyaalka Premier League uu ka muhimsan yahay tartanka Champions League, sababtoo ah ma uusan ciyaarin finalka tartankan muddo dheer”.
“Guardiola waa macalinka ugu fiican adduunka, waana u qalmaa dhamaan sharaf kasta uu helay, laakiin Champions League ayaa ka muhiimsan horyaalka Premier League, sababtoo ah weli waan ku guuleysan karaa”.
“Waxaan sidoo kale isku daynay inaan ku guuleysano Premier League, laakiin Manchester City ayaa naga fiicneyd, balse waxaan aaminsanahay in xili ciyaareedkeena uu ka fiican yahay marka loo fiiriyo kooda”.
Gool FM.