Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Andrey Arshavin oo sheegay horyaalka uu arko inuu yahay kan ugu fiican adduunka & sababta uu ugu tilmaamay

$
0
0

(Yurub) 01 Juunyo 2019. Ciyaaryahankii hore ee kooxda Arsenal ee Andrey Arshavin ayaa ka hadlay kulankii finalka UEFA Europa League ay Chelsea 4-1 kaga adkaatay Gunners Arbacadii lasoo dhaafay.

Andrey Arshavin oo dhawaan saxaafada la hadlay ayaa ku tilmaamay horyaalka Premier League inuu yahay kan ugu fiican aduunka wuxuuna yiri:

“In 4 kooxood Ingiriis ah ay gaarto finalada Europa League iyo Champions League? Waxaan qabaa in horyaalka Premier League uu yahay kan ugu fiican adduunka, wuuna u qalmaa guushaas”.

“Aad ayaan uga carooday natiijada kulankii finalka ee Europa League, Arsenal waxay xili ciyaareedka dhameysatay iyadoo koob la’aan ah, lakiin waxaan qabaa in Chelsea ay u qalantay ku guuleysiga tartankan”.

Intaas kaddib Andrey Arshavin ayaa ka hadlay aragtidiisa ku aadan isbadalada ay sameysay kooxda Liverpool sanadihii ugu dambeeyay wuxuuna yiri:

“Markii aan ka ciyaarayay Ingiriiska, Liverpool waxay u ciyaari jirtay isla qaabkan, laakiin kooxda haatan waxay sameysay horumar, waa koox xoogan taasina waa arin cad”.

Ugu dambeyntii Andrey Arshavin ayaa ka hadlay heerka haatan kooxdiisii hore ee Arsenal wuxuuna yiri:

“Waxaan qabaa in kooxda ay sidoo kale horumarisay qaab ciyaareedkeeda, laakiin kaddib markii uu Arsene Wenger ka tagay xagaagii hore, Arsenal waxay u baahan tahay inay sii joogteyso sare u qaadida qaab ciyaareedkooda”.

Gool FM.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles