(Yurub) 01 Juunyo 2019. Ciyaaryahankii hoer ee xulka qaranka Spain José Antonio Reyes ayaa maanta ku geeriyooday shil baabuur ee ka dhacay gudaha dalka Spain, waxaana caawa lagu xusayaa finalka Champions League ee ka dhacaya magaalada Madrid.
Xiddigii hore kooxaha Real Madrid, Arsenal Sevilla iyo Atlético Madrid ayaa maanta ku geeriyooday shil baabuur uu ku galay deegaanka Utrera oo ka tirsan Spain, halkaasoo sidoo kale ah goobta uu ku dhashay ciyaaryahanka.
Xiriirka kubadda cagta ee qaarada yurub ee EUFA ayaa xaqiijiyay in daqiiqad aamusnaan ah la sameyn doono kahor kulanka caawa ee finalka Champions League, kaasoo lagu xasuusanayo ciyaaryahanka maanta shilka baabuur ku geeriyooday ee José Antonio Reyes.
Ciyaaryahankan ayaa tartamada yurub kasoo muuqday wuxuuna kooxaha Sevilla iyo Atlético Madrid kula guuleystay koobka UEFA Europa League.
Kooxda Sevilla ayuu kula guuleystay koobka UEFA Europa League xili ciyaareedyadii. 2013-2014, 2014-2015., 2015-2016, halka kooxda Atlético Madrid uu la qaaday 2009-2010, 2011-12.
Gool FM.