Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Daawo Sawirrada sida final-ka Champions League loogu maamuusay xiddigii geeriyooday ee José Antonio Reyes

$
0
0

(Yurub) 01 Juunyo 2019. Ciyaaryahankii hoer ee xulka qaranka Spain José Antonio Reyes ayaa maanta ku geeriyooday shil baabuur ee ka dhacay gudaha dalka Spain, waxaana caawa lagu xusay finalka Champions League ee ka dhacaya magaalada Madrid.

Xiddigii hore kooxaha Real Madrid, Arsenal Sevilla iyo Atlético Madrid ayaa maanta ku geeriyooday shil baabuur uu ku galay deegaanka Utrera oo ka tirsan Spain, halkaasoo sidoo kale ah goobta uu ku dhashay ciyaaryahanka.

Xiriirka kubadda cagta ee qaarada yurub ee EUFA ayaa go’aansaday in daqiiqad aamusnaan ah ay sameyaan ciyaaryahan José Antonio Reyes si xushmad loogu muujiyo laacibka.

Xiddigan oo ka mid ahaa ciyaartoydii horyaalka guuldara la’aanta la qaaday Arsenal ayaa horey kaga soo muuqday tartamada uu qabto xiriirka kubadda cagta ee qaarada Yurub ee EUFA, gaar ahaan UEFA Europa League uu kula guuleystay kooxaha Sevilla iyo Atlético Madrid,

Kooxda Sevilla ayuu kula guuleystay koobka UEFA Europa League xili ciyaareedyadii. 2013-2014, 2014-2015., 2015-2016, halka kooxda Atlético Madrid uu la qaaday 2009-2010, 2011-12.

Halka hoose ka daawo Sawirada:

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles