(Madrid) 01 Juunyo 2019. Kooxda kubadda cagta ee Liverpool ayaa ku guuleystay xilli ciyaareedkan 2018-19, koobka Champions League kaddib markii ay 2-0 ku garaaceen caawa kulankii Final-ka ahaa naadiga Tottenham.
Labada gool oo ay Reds kala dhalisay labadii qeybood ee ciyaarta ayaa waxaa u kala dhaliyey Mohamed Salah iyo Divock Origi oo labaduba ka soo jeeda qaaradda Afrika.
Haddaba halkaan hoose ka eeg rikoorradii laga diiwaan geliyey kulankii caawa ee Final-ka Champions League:-
>- Alisson waa goolhayihii ugu horreeyey oo shabaqiisa gool ka ilaashada final-ka Champions League tan iyo goolhaye Júlio César oo shabaqiisa gool ka ilaashaday kulankii final-ka dhacay 2010-kii, labaduba waa xiddigo Brazil ah kulankuna waxa uu ka dhacay Madrid labada goorba.
>- Kooxda Liverpool ayaa ku guuleysatay koobkeedii lixaad ee Champions League ama European Cup waana in ka badan kooxaha kale ee Ingiriiska, marka loo eego Man United oo 3 jeer qaaday.
>- Kooxda Liverpool oo koobkeedii lixaad ee Champions League ama European Cup ku guuleysatay caawa ayaana kaliya waxaa ka koobab badan marka la eego tartankan kooxaha Real Madrid 13 jeer qaaday iyo AC Milan oo 7 goor qaaday.
>- Macallin Jurgen Klopp ayaa noqday tababarihii afaraad ee kooxda Liverpool ah oo ku guuleysta Champions League ama European Cup kaddib Bob Paisley, Joe Fagan iyo Rafa Benitez.
>- Divock Origi kaliya waa ciyaaryahanka labaad ee Belgium ah oo gool ka dhaliyey Finalka Champions League ama European Cup kaddib Yannick Carrasco oo gool ka dhaliyey kulan dhexmaray kooxaha Atletico iyo Real Madrid sanadkii 2016-kii.
>- Divock Origi ayaa saddex gool ka dhaliyey tartanka Champions League xilli ciyaareedkan, labo gool waxa uu ka dhaliyey afar dhammaadka, halka gool kale uu caawa ka dhaliyey kulankan final-ka ah.
>- Harry Kane ayaa 11 goor kubadda taabtay qeybta hore ee ciyaarta kulankii final-ka Champions League waana in ka yar ciyaaryahan kasta oo kale oo kooxda Tottenham, xiddigaha dhanka Liverpool ee tirada ugu yar kubadda taabtay qeybta hore ee ciyaarta waxa ay kala yihiin; Georgino Wijnaldum (10 jeer) iyo Roberto Firmino (11 goor).
>- Tottenham ayaa ku guuldarreysatay in la kala nasto qeybta hore iyadoo ciyaarta hoggaaminaysa 13-keedii kulan oo ay Champions League ciyaartay xilli ciyaareedkan, kooxda Spurs ayaana lix guul gaartay, shan laga badiyey, labana barbaro gashay.
>- Mohamed Salah ayaa kooxda Liverpool gool u dhaliyay wareeg kasta ee tartanka Champions League ah, xilli ciyaareedkii 2017-2018 waxa uu gool u dhaliyay Reds, heerka group-yada Champions League, wareegga 16-ka, siddeed dhammaadka iyo afar dhammaadka, halka xilli ciyaareedkan 2018-2019 uu gool kaga dhaliyay kulankii caawa ee final-ka Champions League.
>- Mohamed Salah ayaa noqday xiddigii reer Masar ee ugu horreeyay ama Masaarigii ugu horreeyey ee gool ka dhaliya final-ka Champions League.
>- Mohamed Salah ayaa ka mid noqday shan ciyaaryahan ee Afrikaan ah oo gool ka dhaliyay final-ka Champions League ama European Cup, kaddib Rabah Madjer, Samuel Eto’o, Didier Drogba iyo Sadio Mane.
>- Goolkii furitaanka kulankii caawa kooxda Liverpool ee Mohamed Salah oo ku dhashay 01:48 (hal daqiiqo iyo 48 ilbiriqsi) ayaa noqday goolkii labaad ee ugu dhaqsiyaha badnaa ee laga dhaliyo final-ka Champions League, waxaana uu kaliya ka dambeeyaa goolkii Paolo Maldni oo ka tirsanaa AC Milan uu ka dhaliyay Liverpool sanadkii 2005, kaasoo ku dhashay 00:50 (Konton ilbiriqsi).
>- Kooxda Liverpool ayaa lagu abaal-mariyay rigooradii shanaad xilli ciyaareedkan tartanka Champions League, mana jirto koox kaga badan ee loo dhigay rigoore intaa la eg.
Gool FM.