(Yurub) 07 Juunyo 2019. Halyeeyga kooxaha AC Milan iyo Real Madrid ee reer Brazil Ricardo Kaká ayaa ka hadlay xiddiga u qalma inuu ku guuleysto abaal marinta Ballon d’Or 2019.
Ricardo Kaká ayaa u sharaxay daafaca reer Holand iyo kooxda Liverpool ee Virgil van Dijk inuu ku guuleysan doono abaal marinta ciyaaryahanka ugu fiican sanadkan 2019, kaddib bandhigii weynaa uu ka sameeyay Reds xili ciyaareedkii 2018/2019.
Virgil van Dijk ayaa xili ciyaareedka dhawaan lasoo xiray ee 2018/2019 ku hogaamiyay kooxdiisa Liverpool ku guuleysiga koobka Champions League, kaddib qaab ciyaareed cajiib ah ay sameeyeen Virgil van Dijk iyo saaxiibadiis Reds.
Hadaba Ricardo Kaká oo ka hadlayay xiddiga u qalma inuu ku guuleysto abaal marinta Ballon d’Or 2019 ayaa wuxuu yiri:
“Waxaan ka wada sheekeysanay aniga, saaxiibadey iyo walaalkey oo meel ku wada sugan, ciyaaryahanka u qalma inuu ku guuleysto abaal marinta Ballon d’Or 2019, iyo xiddiga adduunka ugu fiican sanadkan”.
“Waxaan qabaa in Virgil van Dijk loo magacaabo ciyaaryahanka ugu fiican adduunka, wuxuu sameeyay xili ciyaareed cajiib ah, horyaalka iyo sidoo kale Champions League, wuxuuna dadaalkii uu bixiyay ugu guuleystay koobka Champions League”.
Gool FM.