(Yurub) 10 Juunyo 2019. Cristiano Ronaldo ayaa lagu dhaleeceeyaa inay da’du ka daba-timid oo uu taagan yahay xilligii uu kubadda cagta isaga fariisan lahaa, laakiin xaqiiqadu waxa ay tahay in kabtanka Portugal uu wax ka badan 10 koob ku guuleystay tan iyo markii uu 30-sano jirsaday.
Ronaldo ayaa markale xalay hoggaamiyay xulkiisa Portugal waxaana uu kula guuleeyay tartanka UEFA Nations League oo ay marti galinayeen, markii ugu horreysayna sanadkan la qabtay.
Weeraryahanka kooxda Juventus iminka waa 34 sano jir waxaana uu labo koob la qaaday xulkiisa qaranka Portugal, halka uu 27 koob oo kale kula guuleystay kooxaha uu u soo ciyaaray ama u ciyaaro sida Sporting Lisbon, Manchester United, Real Madrid iyo Juventus.
Hubaal, Cristiano Ronaldo ayaa mid ka mid ah waqtiyadiisa guulaha badan dhexda ka galay waayihiisa ciyaareed markii uu soo gaaray da’da 30-ka sano, waxaana tan iyo markii uu 30-sano jirsaday uu ku guuleystay 12 koob oo waa weyn.
Da’da 30-ka sano waa xilliga ay xiddigaha kubadda cagta intooda badan ay kaga gudbaan waqtigooda wacan oo ay ka fikiraan xilliga ay ciyaaraha ka fariisanayaan, balse Ronaldo ayaa tan iyo markii uu da’daas gaartay waxa uu ku guuleystay 12 koob.
Mudada afarta sano ah ee u dhexeysa 30-sano illaa 34-sano oo uu haatan jiro waxa uu CR7 ku guuleystay koobabka kala ah; saddex Champions Leagues, La Liga, Serie A, Spanish, Italian Super Cup, Labo koobka kooxaha Adduunka ah, UEFA Nations League, Euro 2016 iyo UEFA Super Cup.
Gool FM.