(Monaco) 29 Agoosto 2019. Tababaraha kooxda kubadda cagta Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa cadeeyay sida uu u adag yahay tartanka Champions League xili ciyaareedkan cusub ee 2019/20.
Haddalka Jurgen Klopp ayaa wuxuu imaanayaa kahor xaflada fiidnimada caawa ay UEFA ku qaban doonto magaalada Monaco ee dalka France, si loo sameeyo Isku aadka Tartanka ugu xiisaha badan horyaalada Yurub ee Champions League xili ciyaareedkan.
Haddaba 52 jirkan reer Germany ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu kga hadlay sida uu adag yahay tartanka Champions League xili ciyaareedkan:
“Runtii kama fikireyno tartanka Champions League, laakiin qof ayaa wax xoogaa yar ii sheegay waxa ka dhici kara kulamada wareega group-yada”.
“Uma maleynayo in kooxaha dhariga 1-aad ku jira ay weligood ka awood badnaayeen kuwa ku soo baxa dhariga 2-aad”.
“Alla maxey waali tahay, dhamaan group-yada waxay noqon doonaan kuwa cajiib ah”.
“Wax fikrad ah kama heysta kooxda mudan inay ku guuleysato Champions League, waxaan heysanaa fursad la mid ah dhamaan koox kasta ee kale”.
“Waxaan runtii u maleynayaa inay kooxo badani heystaan fursad fiican. Bayern ayaa ugu dambeyntii keensatay xiddigaha Perisic iyo Coutinho, taasoo ah horumar weyn”.
“Fiiri shaxda ay heysato kooxda Borussia Dortmund, sidoo kale waxaa jira kooxo badan oo tayo leh, sida Juventus iyo Paris Saint-Germain”.
Gool FM.