Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Cristiano Ronaldo oo ka aragti dhiibtay sida uu noqon doono loolanka Champions League sanadkan

$
0
0

(Monaco) 30 Agoosto 2019. Xiddiga reer Portugal iyo kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa kasoo hor muuqday warbaahinta, kaddib xafladii xalay ka dhacday magaalada Monaco ee dalka France, halkaasoo lagu sameenayay isku aadkaa heerka group-yada tartanka Champions League, sidoo kale lagu ogaaday in Virgil Van Dijk uu yahay ciyaaryahanka ugu fiican Yurub sanadka 2019.

Ronaldo ayaa falanqeeyay group-ka ay ku jirto kooxda Juventus, oo lagu ogaaday in markale uu dagaal xoogan ku dhex mari doono naadiga reer Spain ee Atletico Madrid.

Wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa daabacay hadalada Cristiano Ronaldo, kaddib wareysi uu bixiyay, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Waa ciyaar kale, Atletico Madrid waa koox cajiib ah sida aan wada ognahay, sanado badan ayaan ku qaatay Real Madrid si fiican ayaan u garanayaa”.

“Waxaan rajeynayaa inaysan mar labaad sameyn doonin qeelada ay igaaga soo horjeedaan iyo waxyaabo ka baxsan kubadda cagta, waxaan rajeenaya inuu noqon doono kulan tartan ah, Atletico waxay heysataa koox weyn iyo tababare weyn”.

Intas kaddib Cristiano Ronaldo ayaa la weydiiyay in kooxda Juventus ay sanadkan ku guuleysan karto tartanka Champions League wuxuuna ku jawaabay:

“Dhamaan kooxaha wey guuleysan karaan, laakiin waxaan rajeynayaa inuu sanadkan nasiibka raaci doono Juventus, balse loolanka wuxuu noqon doonaa mid aad u adag”.

“Kooxda la jecelyahay marwalba ma guuleysato, Barcelona waxaa laga filayay inay badiso, laakiin waxaa looga adkaaday garoonka Anfield 4-0, Juventus waxaa laga filayey iney ka gudbi doonto Ajax balse waan mari weynay, isla arrintaasoo kale waxay ku dhacday Real Madrid, sidaas darteed waa tartan aad u adag”.

“Sanadkan aad ayaan u faraxsanahay waxaana rajaynayaa inuu yahay sanadkeena”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles