(Ukrain) 18 Sebt 2019. Kooxda kubadda cagta ee Manchester City ayaa guul raaxo leh ka soo gaartay Shakhtar Donetsk ay ku booqdeen Stadion Metalist, kulankeeda ugu horeeyay GROUP C ee tartanka Champions League, kaddib markii ay ku garaaceen 0-3.
Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-0 ay ku hogaamineysay kooxda martida aheyd ee Manchester City.
Daqiiqadii 24-aad Riyad Mahrez ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa Manchester City wuxuuna dheesha ka dhigay 1-0. kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Ilkay Guendogan.
Markale daqiiqadii 38-aad Manchester City ayaa hogaanka dheereysatay, waxaana ciyaarta 2-0 ka dhigay Ilkay Guendogan, waxaana markiisa goolkan ka caawiyay Riyad Mahrez.
Marka dib leysugu soo laabtay qeybta labaad ee dheesha labada kooxood ayaa waxay garoonka ku soo galeen dardar xoogan, iyagoo sameeyay fursado cajiib ah ee goolal loo filan karay.
Daqiiqadii 76-aad Gabriel Jesus ayaa hogaanka u sii dheereeyay Man City, wuxuuna dheesha ka dhigay 0-3, waxaana goolkan ka caawiyay Kevin De Bruyne.
Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo idlaatay ayaa waxay ku soo dhamaatay 0-3 ay guusha ku raacday kooxda martida aheyd ee Man City.
SAWIRRO:
Gool FM.