(Milan) 23 Sebt 2019. Weeraryahanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa ku guuleystay abaal-marinta xiddiga sanadka ee FIFA THE BEST, waxaana uu ku guddoomay magaalada Milan oo caawa abaal-marinnada FIFA lagu bixinayo.
Kabtanka Barcelona ee Lionel Messi ayaa si cajiib ah ugu garaacay abaal-marintan Weeraryahanka kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo iyo Daafaca Liverpool ee Van Dijk.
Lionel Messi ayaa dhaliyey 54 gool 58 kulan oo uu ciyaaray sanadkaas, waxaana uu abaal-marintan ka dul qaaday Ronaldo iyo Van Dijk.
Leo Messi ayaa loo magacaabay xiddiga sanadka ugu fiican FIFA ee dhanka ragga FIFA Men’s World Player of the Year muddo lix sanadood ah waana in ka badan ciyaaryahan kasta oo kale taariikhda abaal-marintan, waxaana Messi oo kala qaaday sanadihii ✓ 2009 ✓ 2010 ✓ 2011 ✓ 2012 ✓ 2015 iyo ✓ 2019
Dhinaca kale Megan Rapinoe ayaa ku guuleysatay abaal-marinta xiddigta ugu fiican Adduunka ee The Best FIFA Women’s Player for 2019.
Gool FM.