(Barcelona) 05 Okt 2019. Sida wararku ay sheegayaan kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay Antoine Griezmann u adeegsan doono sidii ay ula soo saxiixan lahayd Neymar Jr, maadaama xiddiga reer France uusan xiriir fiican la lahayn kabtanka Barca ee Lionel Messi.
Waxa uu Antoine Griezmann garoonka Camp Nou ku yimid suuqii xagaaga adduun dhan 120 milyan oo gini, waxaana uu qiray inuusan xiriir wanaagsan la lahayn Messi, isagoo xusay inuusan wadahadal badan dhexmarin isaga iyo xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi.
Sida uu warinayo Warsidaha reer France ee Le10sport, maadaama aysan labada ciyaryahan xiriir fiican lahayn ayaa kooxda Barcelona ay diiradda saari karto inay dib u soo ceshato weeraryahankeedii hore ee Neymar Jr, kaasoo hadda ka tirsan kooxda Paris Saint-Germain.
Greizmann ayaa jahwareer dareemaya, kaddib markii uu ku guuldarreystay inuu la qabsado qaab ciyaareedka macallin Ernesto Valverde, inkastoo uu kaliya saddex gool dhaliyey tan iyo markii uu u soo dhaqaaqay garoonka Camp Nou.
Ciyaaryahankan 28-sano jirka ayaa ah cadaadis badan dareemayay intii uu dhaawaca ku maqnaa kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi, waxaana uu aad ugu dhibtooday inuu buuxiyo booskiisa.
Yeelkeede, waxaa la aamisan yahay in Messi oo Luis Suarez xiriir saaxiibtinnimo oo aad u weyn la leh ayaa doonayey in kooxda la keeno Neymar Jr bedelkii la keenay Griezmann, waxaana macquul ah inuu arrintaas dib u soo cusboonaysiiyo Leo oo uu maamulka Barca ku wargeiyo in la keeno weeraryahanka reer Brazil.
“Aad ayay u adkeyd inaan isbaranno, midkeena ma jecla inuu wax badan hadlo, waxaana uu ku maqnaa inta badan dhaawac, sidaasi darteed fursad uma helin inaan wax badan isku aragno garoonka tababarka.” ayuu yiri Griezmann markii la weydiiyay xiriirka kala dhaxeeya Messi ka hor kulankii Champions League ee ay ka adkaadeen Inter Milan.
Gool FM.