(Turin) 22 Okt 2019. Tababaraha Lokomotiv Moscow ee Yuri Semin ayaa ka codsaday ciyaartoydiisa inay si buuxda diirada u saaraan kulanka ay caawa la ciyaari doonaan naadiga Juventus.
Yuri Semin ayaa ku tilmaamay in kooxda reer Talyaani ee Juventus ay tahay mid ka mid ah kooxaha loo saadaalinayo inay ku guuleysan karaan tartanka Champions League xilli ciyaareedkan, sababa la xiriira inay ciyaarto kubadda cagta ee ku saleysan qorsho weerar ah iyo heysashada kubadda inta ugu badan.
Dhinaca kale Tababaraha kooxda Lokomotiv Moscow ee Yuri Semin ayaa wuxuu u arkaa in Juventus ay ka buuxaan xiddigo badan ee heer sarre ah uu hogaaminayo kabtanka xulka qaranka Portugal ee Cristiano Ronaldo.
Yuri Semin ayaa shir jaraa’id uu ka soo muuqday wuxuu diirada ku saaray kulanka ay caawa kula ciyaari doonaan kooxda Juventus tartanka Champions League wuxuuna yiri:
“Ilaa iyo hada qofna ma uusan awoodin inuu joojiyo Cristaino Ronaldo inta uu ku gudi jiray xirfadiisa ciyaareed ee kubadda cagta”.
“Waxay noo noqon doontaa shaqo aad u adag, laakiin xaqiiqdii waa inaan si buuxda diirada u saarno inaan joojino Juventus oo dhan, kaliya ma ahan Cristaino Ronaldo”.
“Ciyaartoy kasta ee kooxda Juventus ah waa xiddiga booskiisa, laakiin waa iska cadahay in Ronaldo uu yahay ciyaaryahanka ugu muhiimsan ee ah in fiiro gaar ah la siiyo”.
“Laakiin anaga ahaan ma ahan inaan diiradda saarno Cristaino Ronaldo ama hal ciyaaryahan, haddii kale waxaan halis ku galineynaa nafteena inaan sameyno khalad weyn oo noocan ah”
Gool FM.