Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Horudhaca kulanka ay kooxda Inter Milan caawa soo dhowaynayso Borussia Dortmund ee Champions League

$
0
0

(Milan) 23 Okt 2019. Kooxda kubadda cagta Inter Milan ayaa kulan ka tirsan Champions League waxa ay caawa soo dhoweynaysaa naadiga reer Jarmal ee Borussia Dortmund.

Kooxda reer Talyaani ee Inter ayaa doonaysa inay caawa guul gaarto si ay saddexdeedii dhibcood ee ugu horreysay, iyadoo markaas yeelan doonta afar dhibcood maadaama ay haatan leedahay hal dhibic oo qora.

Kooxda Jarmalka ka socota ee Borussia Dortmund ayaana haatan doonaysa inay guul gaarto si ay hoggaanka ugu qabato Guruubkan F inkastoo ay haatan Barcelona oo guruubkan ay ku wada jiraan wadaagaan min afar dhibcood.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Champions League

Taariikhda: Arbaco, 23 Okt 2019

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 10:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garsooraha: Anthony Taylor (England)

Garoonka: Giuseppe Meazza

Wararka Kooxaha:-

Kooxda Inter waxaa muddo dheer dhaawac canqowga ah uga maqnaanaya Alexis Sanchez, iyadoo la filayo inay safka hore ee weerarka ku soo wada bilowdaan kulankan Romelu Lukaku iyo Lautaro Martinez.

Danilo D’Ambrosio ayaa shaki laga galinayaa kulankan, Antonio Candreva ayaase qarka u saaran in ka soo muuqdo booska midig ee kooxda Inter.

Dhinaca kale kooxda Borussia Dortmund waxaa shaki laga galainayaa Paco Alcacer, halka Marco Reus uu kulankan ku seegi doono hargab.

Roman Burki ayaa ka soo kabsaday dhaawac waxaana uu ku soo bilaaban doona ulaha dhexdooda, laakiin Lukasz Piszczek iyo Marcel Schmelzer ayaa kulankan seegi doona.

Waxa ay dib u adeegsan karaan shaxdii 4-4-2 taasoo ay guul kaga soo gaareen Gladbach, waxaana weerarka ku soo bilaabanaya oo hoggaamin doona Julian Brandt iyo Mario Gotze.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

>- 2.5 goolal ah ayaa laga dhaliyay lix ka mid ah todobadii kulan ee ugu dambeeyey oo ay Borussia Dortmund ciyaartay tartanka UEFA Champions League.

>- Kooxda Inter Milan ayaa ku guuldarreysatay inay guul gaarto lixdii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ka soo muuqatay tartanka UEFA Champions League.

Shaxda Macquulka ah ee labada kooxood:-

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles