Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Kooxaha Liverpool, Barcelona, Inter oo guulo gaaray iyo dhamaan natiijooyinka kulamadii caawa laga ciyaaray Champions League… +SAWIRRO

$
0
0

(Europe) 23 Okt 2019. Waxaa caawa la ciyaaray kulamda saddexaad ee heerka group-yada tartanka xiisaha badan ee Champions League, iyadoo kooxihii caawa ciyaaray ay ugu muhiimsanaayeen Liverpool, Napoli, Barcelona iyo Inter Milan.

Kooxda Liverpool ayaa guul 1-4 ah ka soo gaartay naadiga Genk oo ay booqatay, waxaana 2 gool u dhaliyay xiddiga reer England Alex Oxlade-Chamberlain, Mohamed Salah iyo Sadio Mane.

Dhinaca kale kooxda reer Spain ee Barcelona ayaa waxay guul ka soo gaartay naadiga Slavia Prague oo ay ku booqatay Sinobo Stadium, waxayna kaga soo adkaatay 1-2, iyadoo ay goolasha kaga mahad celineyso Lionel Messi iyo gool uu iska dhaliyay xiddiga Slavia Prague ee Peter Olayinka.

Sidoo kale Inter Milan ayaa guul muhiim ah kaga gaartay kooxda reer Germany ee Borussia Dortmund garoonkeeda Giuseppe Meazza, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-0, waxaana goolka u dhaliyay xiddigooda Lautaro Martinez iyo Antonio Candreva.

Haddaba dhanka hoose kaga boggo natiijooyinka kulamadii saddexaad ee caawa laga ciyaaray heerka Group-yada ee tartanka Champions League:

GROUP E

Genk 1 – 4 Liverpool

Salzburg 2 – 3 Napoli

GROUP F

Inter 2 – 0 Borussia Dortmund

Slavia Prague 1 – 2 Barcelona

GROUP G

RasenBallsport Leipzig 2 – 1 Zenit St. Petersburg

Benfica 2 – 1 Lyon

GROUP H

Ajax 0 – 1 Chelsea

Lille 1 – 1 Valencia

SAWIRRO:

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles