(Barcelona) 04 Nof 2019. Daafaca midig Barcelona ee Nélson Semedo ayaa shaaca ka qaaday furaha ay kooxdiisa ugu guuleysan karto xilli ciyaareedkan tartanka Champions League.
Nélson Semedo ayaa wuxuu aaminsan yahay in furaha ay dhamaadka xilli ciyaareedkan ku qaadi karaan tartanka Champions League ay tahay inay horumar sameeyaan, isla markaana ay saxaan qaladaadkii ay kooxda sameysay kulamadii ugu dambeeyay.
Xiddiga reer Portugal ayaa kahor kulankooda afaraad wareega group-yada ee tartanka Champions League ay kula ciyaari doonaan kooxda Slavia Prague wuxuu sheegay:
“Falcelinteena waxay noqon doontaa mid wanaagsan kaddib guuldarradii Levante”.
“Kooxda waxay aaminsan tahay awoodeeda, waxayna leedahay awood ay ku sixi karto qaladaadkeeda”.
“Waan ognahay in haddii aan dooneyno ku guuleysiga tartanka Champions League, ay tahay inaan fiicnaano isla markaana aan horumar sameyno”.
“Waxaan dooneynaa marka hore inaan garaacno Slavia Prague, waxaan sameyn doonaa wax walba oo aan ku guuleysan karno, waxaana filayaa inay noqon doonto ciyaar adag”.
“Waxaan ku ciyaarnaa garoonkeena, waxaana xaqiiqo ah inaan soo bandhigi doono ciyaar aad u wanaagsan, waxaan u baahanahay inaan sameyno horumar badan, waana sameyn karnaa taas, anaga Barcelona ahaan, marwalba waxaan ugu cad cad nahay inaan ku guuleysano dhamaan tartamada”.
Gool FM.