Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Lionel Messi oo ka warbixiyay faa’iidooyinka Frenkie de Jong kaddib imaatinkiisa Barcelona

$
0
0

(Barcelona) 05 Nof 2019. Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa amaanay saaxiibkiisa cusub reer Holland ee Frenkie de Jong, isagoo xusay inuusan wax dhibaato ah kala kulmin la qabsiga falsafada kooxda.

Barcelona ayaa Frenkie de Jong kala soo saxiixatay kooxda reer Holland ee Ajax suuqii xagaaga ee lasoo dhaafay qiimo lagu qiyaasay 75 milyan oo euro.

Lionel Messi oo sharaxaad ka bixinayay sababta uu Frenkie de Jong u yahay ciyaaryahan ku haboon kooxda Barcelona, kaddib wareysi uu ku bixiyay wargeyska “Mundo Deportivo” ayaa wuxuu yiri:

“La qabsiga Frenkie de Jong ee kooxda waxay aheyd mid sahlan, maxaa yeelay wuxuu ka yimid Ajax oo aad ula mid ah falsafadeena”.

“Wuxuu dareemaa raaxo, si fiican ayuu ula qabsaday, wuxuu jecel yahay inuu kubbadda ku dhex haysto lugihiisa, wuxu bixiyaa baasasyo gaagaaban, wuxuu u dhaqaaqaa si dhaqsi ah, wuxuuna leeyahay awood jireed, isagu waa ciyaaryahan kubadeed ee dhameystiran”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles