Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Robert Lewandowski oo Rikoodh Champions League ah ka barbareeyay Lionel Messi

$
0
0

(Yurub) 07 Nof 2019. Xiddiga Bayern Munich ee Robert Lewandowski ayaa dhigay rikoor cusub kaddib guushii ay xalay kooxdiisa kaga gaartay 2-0 naadiga Olympiacos ciyaar ka tirsaneyd kulamada afaraad ee wareega group-yada tartanka Champions League.

Robert Lewandowski ayaa dhaliyay gool ka mid ah labadii gool ay xalay guusha kaga gaareen kooxda Olympiacos, taasoo sababtay in Bayern Munich ay GROUP B ee Champions League kaga soo baxday kaalinta koowaad, waxayna u gudubtay wareega xiga 16-ka ee tartankan.

Hadaba shabakada “Opta” oo ku taqasustay rikoorrada iyo tirakoobyada ayaa waxay shaacisay in Robert Lewandowski uu dhaliyay xalay goolkiisii 39-aad ee dhamaan tartamada kala duwan sanadkan 2019, taasoo ka dhigtay inuu ka mid noqdo xiddigaha ugu goolasha badan shanta horyaal ugu waaweyn Yurub dhamaan tartamada kala duwan.

Isla waqtigaas shabakada “Opta” ayaa waxay shaacisay in 31 jirkan uu ka dhaliyay 31 gool heerka group-yada ee tartanka Champions League, tan markii uu yimid kooxda Bayern Munich sanadkii 2014, waana heer gooldhalineed uusan ciyaaryahan ku gaarin isla waqtigaas.

Ma jiro ciyaaryahan ku dhaliyay in ka badan 31 gool heerka group-yada ee tartanka Champions League tan iyo xilli ciyaareedkii 2014/2015, waxaana marka loo fiiriyo sidaas sameeyay kaliya xiddigaha Robert Lewandowski iyo Lionel Messi, isagoo dhinaca kale haatan dhaliyay gool mid kasta oo ka mid ah siddeedii kulan ee ugu dambeeyay ee heerka group-yada tartanka Champions League.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles