Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

“Ma qarinayo rajadayda ah in Barcelona ay ka harto Champions League” – Xiddig Real Madrid ah

$
0
0

(Madrid) 14 Nof 2019. Laacibka ka tirsan kooxda Real Madrid ayaa muujiyay rabitaankiisa ah in naadiga ay xilfaltamaan ee Barcelona aysan gaarin wareegyada bug-baxda ah ee tartanka Champions League.

Dani Carvajal ayaa wareysi uu dhawaantan ku bixiyay wargeyska “Marca” ee dalka pain wuxuu ku sheegay inuu rajeyanayo in kooxda Barcelona ay ka harto tartanka xiisaha badan ee Champions League.

“Aniga been idiin ma sheegayo, waxaa wanaagsan in Barcelona aysan gaarin qeybaha hore ee Champions League, sababtoo ah waxay musharax u noqon doontaa hanashada tartanka, waa kooxda ugu adag ee naga soo horjeeda”.

“Barcelona waa mid ka mid ah kooxaha aan ku dagaalameyno horyaalka La Liga”.

“Waxay heystaan ​​koox fiican, waa koox u sameysan loolan, ka harista kooxaha awooda leh ee tartankan ayaa noqon laheyd wax anaga inoo fiican” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Dani Carvajal.

Yeelkeede, Carvajal ayaa wuxuu kula guuleystay kooxdiisa Real Madrid hal jeer oo horyaalka La Liga ah, Copa del Rey iyo  Spanish Super Cup oo min hal jeer ah, Club World Cup afar jeer, UEFA Super Cup seddex jeer, sidoo kale wuxuu qeyb ka ahaa jiilkii dahabiga ahaa Los Blanco ee ku guuleystay afar koob oo tartanka Champions League ah.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles