(Liverpool) 24 Nof 2019.Liverpool ayaa habeenka Arbacada soo aadan waxay ku soo dhaweyn doontaa kooxda Napoli garoonkeeda Anfield, si ay u wada ciyaaraan kulan ka tirsan kulamada 5-aad wareega group-yada ee tartanka Champions League.
Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa xaqiijiyay in xiddiga reer Masar ee Maxamed Saalax uu diyaar u yahay inuu ka qeyb galo kulanka Arbacada soo aadan ay la ciyaari doonaan Napoli.
Xiddiga reer Masar ee Maxamed Saalax ayaa helay nasiino kulankii shalay ay horyaalka Premier League kula ciyaareen kooxda Crystal Palace, kaasoo Reds ay ku adkaatay 2-1.
Haddaba tababare Jurgen Klopp ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu ku sheegay:
“Saalax wuxuu aaday Masar, wuxuuna halkaas ku sameeyay tababar, kaddib markii uu seegay tababarka muddo sagaal maalmood ah”.
“Khamiistii wuxuu tababarka sameeyay 60%, ama 70%, Jimcihii wuxuu u tababartay 100%, waxay aheyd inaan go’aamino xaaladiisa, gaar ahaan ka qeyb galkiisa kulankii Crystal Palace”.
“Waxaan ku fikirnay inuu ku yimaado qaab badel ah, balse waxaan dhalinay goolka guusha, waxaana fiicneyd inuu fadhiyo kursiga keydka, si uu u helo nasiino badan, wuxuu diyaar u noqon doonaa inuu ciyaaro kulanka Arbacada”.
Gool FM.