(Liverpool) 25 Nof 2019. Macalinka reer Germany iyo kooxda Liverpool ee Jürgen Klopp ayaa sheegay inuusan aheyn macalin si weyn u hunguriyeynaya inuu markale ku guuleysto tartanka Champions League, kaddib markii ay ku soo guuleysteen xilli ciyaareedkii hore.
Laakiin dhinaca kale, tababare Jürgen Klopp ayaa wuxuu carabka ku adkeeyay inay macquul tahay inuu sidaas sameeyo.
Jürgen Klopp ayaa shir jaraa’id uu ka soo muuqday kahor ciyaarta Napoli wuxuu ku sheegay:
“Ma ihi macalin si weyn u hunguriyeynaya inuu markale ku guuleysto tartanka Champions League, laakiin hadii lagu celiyo wixii dhacay lagama saarayo meesha”.
“Laakiin waa inaan marka hore ku wajahnaa Napoli garoonkeena, kaddibna aan u safarno Salzburg, waxaan ku jirnaa boos fiican waxaana rajeyneynaa inaan ku sii jirno tartanka”.
Intaas kaddib Jürgen Klopp ayaa wuxuu ka hadlay loolanka horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedkan wuxuuna yiri:
“Wax badan kama fikiro arrintaas, waxaa jira sideed dhibcood ee inoo dhexeeya anaga iyo Leicester City lama ilaabi karo, waxaan ku guuleysanay horyaalnimada dhowr sano ka hor”.
“Chelsea waa koox adag waxayna sameyneysaa xilli ciyaareed aad u fiican, haddii aan guuldareysan laheyn kulankeena ugu dambeeyay ee Crystal Palace, wuxuu farqiga noqon lahaa 5 dhibcood oo kaliya”.
“Waxaa nahay kuwo xasiloon, mana ku mashquulino nafteena farqiga dhibcaha, balse waxaan diirada saarnaa ciyaar kasta”.
Gool FM.