(Manchester ) 26 Nof 2019. Mcalinka kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa xaqiijiyay in Sergio Aguero uu seegi doono kulamada soo aadan ay ciyaari doonto Sky Blue, sababa la xiriira dhaawac soo gaaray.
Pep Guardiola ayaa ka soo muuqday shir jaraa’id kahor kulanka ay caawa kula ciyaari doonaan Shakhtar Donetsk tartanka Champions League, wuxuuna ka hadlay saameynta ay ku yeelan karto Sky Blue dhaawaca soo gaaray Sergio Aguero.
Hadalada macalinka reer Spain ayaa waxaa ka mid ahaa:
“Sergio Aguero manala jiri doono, wuxuuna naga maqnaan doonaan dhowr isbuuc, sababtoo ah waxaa soo gaaray dhaawac muruqa bowdada ah”.
Intaas kaddib Guardiola ayaa wax laga weydiiyay haddii ay jiraan xiddigo kale ee dhaawacyo ka qaba kooxdiisa wuxuuna ku jawaabay:
“Maya, Rodri iyo David Silva waxaan ka saaray kulankii Chelsea sababtoo ah waxay qabeen dhibaato dhanka muruqa ah, laakiin haatan qaab fiican ayay ku jiraan”.
Pep Guardiola oo ka hadlayay maqnaanshiyaha weeraryahanka reer Argantina ayaa wuxuu hadalkiisa sii raaciyay:
“Waxaan qabnaa dhibaatooyin waaweyn gaar ahaan dhaawacyo xilli ciyaareedkan, waxaan u baahanahay Aguero, sidoo kale waxaan dhibaatooyin badan kala kulanay maqnaanshiyaha Leroy Sané iyo Aymeric Laporte, laakiin waanu sugeynaa iyaga”.
“Waxaan sugi doonaa inuu Aguero kusoo laabto dhowr toddobaad, laakiin hadda waxaan heysanaa Raheem Sterling iyo Gabriel Jesus waana ay awoodaan inay booskiisa ka ciyaaraan”.
Gool FM.