(Germany) 10 Dis 2019. Liverpool ayaa guul kaga soo xiratay kulamada wareega group-yada Champions League, kaddib markii ay kooxda Salzburg oo ay booqatay kaga soo adkaatay 0-2, waxayna kaalinta koowaad kaga soo baxday GROUP E ee tartankan.
Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu maray barbaro 0-0 ah.
Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan ee goolal loo filan karay.
Daqiiqadii 57-aad kooxda Liverpool ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay Naby Keita, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Sadio Mane.
Liverpool ayaa markale la timid gool daqiiqadii 58-aad waxaana dheesha 0-2 ka dhigay Maxamed Saalax.
Ugu dambeyn ciyaarta ayaa waxay ku soo idlaatay 0-2 ay guusha ku raacday kooxda martida aheyd ee Liverpool.
SAWIRRO:
Gool FM.