Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Ansu Fati oo rikoor cusub ka dhigay tartanka Champions League, isagoo noqday xiddigii…

$
0
0

(Milan) 11 Dis 2019. Ansu Fati ayaa rikoor cusub ka dhigay tartanka Champions League kaddib markii uu xalay shabaqa soo taabtay kulankii ay Barcelona guusha ka gaartay Inter Milan.

Waxa uu noqday Fati xiddigii ugu da’da yaraa abid ee gool ka dhaliya taariikhda tartanka Champions League kaddib markii uu gool ugu shubay naaidga Inter Milan oo ay marti u ahaayeen.

Da’yarka reer Catalan ayaana gool ka tirsan Champions League isagoo kaliya jira da’da 17-sano iyo 40 maalmood.

Fati ayaana rikoorkaas kala wareegay Peter Ofori-Quaye oo horay u haystay kaasoo kooxda Olympiacos tartankan gool u dhaliyey isagoo jiray 17-sano iyo 194 maalmood sanadkii 1997-kii.

Waxanaa ku xiga xiddiga haatan ka tirsan Chelsea ee Mateo Kovacic, kaasoo isna Champions League gool ka dhaliyey isagoo jira 17-sano iyo 215 maalmood, isagoo xilligaasi ka tirsanaa naadiga Dinamo Zagreb.

Waxa uu Fati dhaliyey goolkii guusha ay ku qaadatay Barca ee dilay rajadii kooxda reer Talyaani ee Inter Milan, taasoo tartanka isaga hartay xalay, halka Barcelona ay kaalinta koowaad ee Guruubkeeda F uga soo baxday 14-dhibcood markii ay Inter Milan ku garaaceen 2-1.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles