(Manchester) 11 Dis 2019. Luke Shaw ayaa farxad weyn ka muujiyey inuu arko xalay Weeraryahanka kooxda Inter Milan ee Romelu Lukaku oo laga soo reebayo tartanka UEFA Champions League.
Inter Milan ayaa iyadoo gurigeeda joogta waxa ay guuldarro 2-1 kala kulantay Barcelona waxaana ay macsalaameysay Champions League, taasoo la micno ah inay soo geli doonaan wareegga bug-baxa ee tartanka Europa League.
Waxaa dhici karta in Inter Milan ay ku aaddo Manchester United, marka isku aadka wareegga xiga ee tartanka Europa league lagu sameeyo Isniinta magaalada Nyon.
Taasna waxay siisay Shaw sabab badan oo ay ugu jees jeeso saaxiibkiisii hore ee Man United, Lukaku saacado uun kaddib guuldarradii Inter Milan ku soo gaartay garoonka San Siro.
Shaw ayaa bartiisa Twitter-ka soo geliyey sawirka Lukaku oo dhoolacaddeynaya, isla markaana uu raacsanaa emoji qosol ah iyo qoraal u dhignaa: ‘UCL’.
Daafaca Kooxda Manchester United ee Shaw ayaana sawirkaas ku daray qoraal kooban oo u dhignaa: ‘Soo dhowow’.
Gool FM.