Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Man City oo guul ay ka gaartay Dinamo Zagreb ku soo xiratay heerka group-yada tartanka UCL, xilli uu Jesus saddeley dhaliyay…+SAWIRRO

$
0
0

(Manchester) 11 Dis 2019. Manchester City ayaa guul ay ka gaartay Dinamo Zagreb ku soo xiratay heerka group-yada tartanka tartanka Champions League, kaddib markii ay kaga adkaatay 1-4, ciyaar ka tirsaneyd kulamadii Lixaad heerka group-yada ee tartanka Champions League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray barbaro 1-1 ah.

Daqiiqadii kooxda Dinamo Zagreb ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Daniel Olmo, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Damian Kadzior.

Daqiiqadii 34-aad Manchester City ayaa heshay goolka barbaraha waxaana ciyaarta 1-1 ka dhigay xiddiga reer Brazil ee Gabriel Jesus, waxaana caawinta goolkan lahaa Riyad Mahrez.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 50-aad Manchester City ayaa ciyaarta ka dhigtay 1-2 waxaana goolka labaad u dhaliyay Gabriel Jesus, waxaana ka caawiyay saaxiibkiis Phil Foden.

54 daqiiqo Gabriel Jesus ayaa dhaliyay goolkiisii saddexaad wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1-3 ay ku hogaamineysay kooxda Manchester City, Benjamin Mendy ayaa caawiyay goolkan.

Daqiiqadii 84-aad Phil Foden ayaa ciyaarta ka dhigy 1-4, waxaana goolkan ka caawiyay xiddiga reer Portugal ee Bernardo Silva.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 1-4 ay guusha ku raacday kooxda martida aheyd ee Manchester City, naadiga Sky Blues ayaana kaalinta koowaad kaga soo baxday GROUP C oo ay kaga jitay tartanka Champions League.

SAWIRRO:

View image on Twitter

View image on Twitter

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles