Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Tababare Zinedine Zidane oo kulankiisii 50-aad hoggaamiyey kooxda Real Madrid… (Waa sidee Rikoodhkiisa laylinta kooxdan?)

$
0
0

czgq0drwiaaggmu

(Madrid) 08 Dis 2016 – Real Madrid ayaa barbaro la gashay xalay kooxda Borussia Dortmund kulankii ugu dambeeyey ee heerka guruubyada Champions League, waxaana ay ku kala baxeen barbaro 2-2.

Tababaraha Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa kulankiisii 50-aad hoggaamiyey kooxda Los Blancos ciyaartii ay xalay barbaro 2-2 la galeen kooxda reer Jarmal.

Haddaba waxaan halkaan ku eegaynaa rikoodhkiisa hoggaaminta kooxdiisa Real Madrid 50-kaas kulan, waxa uu Zidane guul ku hoggaamiyey kooxdiisa 37 kulan, 11 kulan barbaro ayuu galay, halka 2 kulan oo qura laga adkaaday.

czgwsd6xua05qan

Zinedine Zidane waxa uu Real Madrid kula guuleystay mudadaas Champions League iyo UEFA Super Cup, iyadoo haatan kooxdiisa Los Blancos ay barbareysay rikoodhkeedii guuldarro la’aanta ee ugu dheeraa abid tartammada oo dhan kaasoo ahaa 34 kulan, waxaana rikoodhkan horay u haystay oo uu barbareeyey Zidane tababare Leo Beenhakker oo 34 kulan oo xiriir ah aan laga adkaan sanadkii 1989-kii, isagoo hoggaaminayey kooxda Los Blancos.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles