Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

“Waxaa na sugaya kulanka adag ee Madrid Derby, waxaana dooneynaa in xilli ciyaareedkan aan ku guuleysanno saddex koob” – Zidane

$
0
0

(Madrid) 30 Jan 2020. Macalinka reer France iyo kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa xaqiijiyay sida uu u adag yahay kulanka Madrid Derby ay Sabtida ku soo dhaweyn doonaan Atlético Madrid garoonka Santiago Bernabéu, kaasoo qeyb ka ah kulamada 22-aad ee horyaalka La Liga wadanka Spain.

Isla waqtigaas, Zinedine Zidane ayaa cadeeyay inuu doonayo in Real Madrid ay ku wada guuleysato saddexda tartan ee kala ah Champions League, La Liga iyo Copa del Rey dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Haddaba Zidane ayaa kaddib guushii ay xalay kaga gaareen kooxda Real Zaragoza tartanka Copa del Rey, wuxuu u sheegay warbaahinta:

“Waxaa na sugaya kulan aad u adag oo aan la ciyaari doono kooxda Atlético Madrid, waxaana dooneynaa inaan sii wadno hoggaaminta miiska kala sarreynta horyaalka La Liga”.

“Waxaan dooneynaa inaan ku guuleysano seddex koob xilli ciyaareedkan, waxaan rabnaa inaan sii wadno shaqada oo aan howsha u qabano sida saxda ah, qof walbana wuxuu u shaqeynayaa kooxda” ayuu hadalkiisa sii raaciyay tababare Zinedine Zidane.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles