Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

“Waxaan ku kalsoon nahay awooda aan u leenahay ku guuleysiga Champions League” – Gerard Piqué

$
0
0

(Barcelona) 07 Feb 2020. Daafaca reer Spain iyo kooxda Barcelona ee Gerard Piqué ayaa u muuqda  mid kalsooni ku qaba awooda ay kooxdiisa u leedahay inay ku guuleysato tartanka Champions League xilli ciyaareedkan.

Kooxda kubadda cagta Athletic Club ayaa iska xaadirisay afar dhammaadka tartanka Copa Del Rey kaddib markii ay tartanka ka cirib tirtay naadiga Barcelona oo marti u ahayd.

Kulankan ayaa Barcelona looga adkaatay gool laga dhaliyey xilligii dhimashada dheesha, waxaana Barca lagu garaacay 1-0.

Gerard Piqué ayaa kaddib kulankii xalay ay guuldarrada kala kulmeen kooxda Athletic Club wuxuu la hadlay warbaahinta waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Inkastoo aan guuldarreysanay, haddana waxaan ku faraxsanahay dareenka kooxda, waxaan u maleynayaa inaan ciyaar aad u wanaagsan ku ciyaarnay garoonka San Mamés, laakiin fursadihii aan haysanay ma aysan imaan”.

“Inaan ka harno tartankan waa dhabar jab weyn, laakiin waan ku faraxsanahay sida kooxdu ay uga falcelisay, buuqa ka jira banaanka toddobaadkan, ciyaartooy ahaan waxaan dooneynaa inaan badelno buuqa ka dhex jira kooxda”.

“Waa inaan dib ugu laabanaa wadada guulaha, midnimada u dhaxeysa ciyaartoyda iyo shaqaalaha sidoo kale waa muhiim, waxaan ku jirnaa waqti adag, laakiin waxaa jira nabadgalyo maskaxeed iyo kalsooni qolka labiska ah si aan ugu guuleysano labada koob ee haray”.

“Waxaan ku kalsoon nahay awooda aan u leenahay inaan ku guuleysano Champions League, kooxdan caado ayey u leedahay guulaha waana inaan ku laabanaa wadadaas, maalinba maalinta ka dambeysa waan wanaajineynaa fikradaha tababare Quique Setién”.

Gool FM.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles