(Dortmund) 19 Feb 2020. Labo ka mid ah xiddigaha muhiimka ah ee kooxda PSG ayaa ganaax ku seegi doona kulanka lugta labaad ee wareegga 16-ka Champions League oo ay la leeyihiin Dortmund, waana Verratti & Meunier.
Labada ciyaaryahan ee PSG, Verratti iyo Meunier ayaa labaduba seegi doona kulanka lugta labaad ee 16-ka Champions League oo ay soo dhoweynayaan Dortmund kaddib markii ay kaarka digniinta ah qaateen lugtii koowaad ee xalay dhacday.
Xiddigahan labada ah ee ka mid ah PSG, Verratti iyo Meunier ayaa loo taagay kaararka digniinta ah kulankii lugta hore ee ay xalay la dheeleen Dortmund, taasoo la micno ah inay ganaax ku seegi doonaan kulankooda soo aaddan ee lugta labaad oo ay qaabilayaan kooxda reer Jarmal.
Waxaana ay sidaas ku guddoomeen min kaarkoodii saddexaad oo digniinta ah tartanka Champions League xilli ciyaareedkan, waxaana labaduba ay maqnaanayaan hal kulan oo ganaax ah sida uu dhigayo sharciga UEFA.
PSG ayaa guuldarro 2-1 kala soo laabtay Dortmund oo ay booqatay lugta koowaad ee 16-ka Champions League, iyadoo Verratti iyo Meunier aysan ka soo muuqan doonin kulanka soo laabashada laga sugayo kooxdooda ka dhisan caasimadda Faransiiska.
Gool FM.