Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Atletico Madrid oo noqotay kooxdii saddexaad ee shabaqeeda ka ilaashata Liverpool xilli ciyaareedkan

$
0
0

(Madrid) 19 Feb 2020. Kooxda kubadda cagta Atletico Madrid ayaa xalay noqotay kooxdii saddexaad ee shabaqeeda ka ilaashata naadiga Liverpool xilli ciyaareedkan.

Atletico waxa ay noqotay kooxdii saddexaad ee xilli ciyaareedkan la ciyaartay Liverpool oo kooxda reer England ay gool ka dhalin weysay kaddib Napoli iyo Aston Villa.

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa xilli ciyaareedkan ku guuldarreysatay inay kaliya saddex kulan gool dhalin weyso xilli ciyaareedkan dhammaan illaa iyo haatan kooxihii ay la ciyaartay.

Haddaba halkaan hoose ka eeg saddexda kulan ee Liverpool ay shabaqa soo taaban weysay kal ciyaareedkan:-

Napoli 2-0 Liverpool

Aston Villa 5-0 Liverpool (inkastoo kulankaas ay ciyaareen da’yarta Liverpool, maadaama kooxda waa weyn ay ku maqnaayeen Koobka Kooxaha Adduunka.

Atletico Madrid 1-0 Liverpool

Wiilasha Tababare Simeone ayaa shaqo fiican qabtay kaddib markii ay xalay 1-0 uga adkaadeen Reds oo marti u ahayd lugta hore ee wareegga 16-ka Champions League.

Waxaa intaas sii dheer in Liverpool ay ku guuldarreysatay xalay inay hal shuut oo bartilmaameed ah sameyso qeybta hore ee ciyaarta markii ugu horreysay tartammada oo dhan xilli ciyaareedkan.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles