Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

RASMI: Goolhaye Hugo Lloris oo ku guuleystay abaal-marinta xiddiga garoonka kulankii xalay, inkastoo kooxdiisa la garaacay

$
0
0

(London) 20 Feb 2020. Goolhaye Hugo Lloris ayaa ku guuleystay abaal-marinta xiddiga garoonka ee Man of the Match kulankii xalay ay kooxdiisa Tottenham guuldarrada kala kulantay Leipzig.

Kabtanka Kooxda Tottenham ee Hugo Lloris ayaa loo gacan galiyey abaal-marinta xiddiga garoonka ee UEFA kulankii Spurs ay guuldarro 1-0 kala kulatay RB Leipzig.

Werner ayaa gool ku laad ka dhaliyey goolhaye Lloris, laakiin kulankan waxa uu sameeyey bandhig ilqabad leh, isagoo badbaadinnimo qurux badan taasoo kooxdiisa Spurs ka saacidday inaan goolal badan laga dhalin kulankan.

Shabaq-ilaaliyahan reer France ayaa fursado waa weyn ka beeniyey xiddigaha kala ah Angelino, Patrick Schick iyo Werner, waxaana kulankan ay UEFA u aqoonsatay xiddiga ugu fiicnaa garoonka.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles