Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Miyuu qeyb ka noqon doonaa David Silva kulanka Real Madrid kaddib dhaawacii soo gaaray xalay? Guardiola ayaa ka jawaabaya

$
0
0

(Yurub) 20 Feb 2020Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester City ee Pep Guardiola ayaa ka hadlay fursada uu David Silva u heysto inuu ciyaaro kulanka Real Madrid ee lugta hore wareega 16-ka ee tartanka UEFA Champions League.

Xiddiga qadka dhexe ee reer Spain ayaa ka baxay qeybihii ugu dambeeyay ee kulankii xalay ay guusha kaga gaareen West Ham 2-0, kaddib markii uu dhaawac soo gaaray.

Laakiin Guardiola ayaa carabka ku adkeeyay in dhaawaca soo gaaray xiddiga ay isku wadanka yihiin uusan ahayn mid halis ah, isaga oo tilmaamay in uu diyaar u noqon doono inuu ka mid noqdo kooxda inteeda kale ee u safri doonta isbuuca soo socda garoonka Santiago Bernabeu.

Macalinka reer Spain ee Pep Guardiola ayaa shir jaraa’id uu ka soo muuqday wuxuu ku sheegay:

بيب جوارديولا و ديفيد سيلفا

“David Silva wuxuu ii sheegay inuu wax dareemayo, laakiin uma maleynayo inay tahay dhibaato weyn.”

“Waxaan wax walba ku ogaan doonaa si sax ah saacado gudahood baaritaanka caafimaad kaddib.”

Waxaa xusid mudan in Raheem Sterling uu qatar ugu jiro inuu ka maqnaado kulanka Real Madrid sababtoo ah wali kama soo kabsan dhaawacii uu ka qabay dhanka muruqa tan iyo bilowgii Febraayo.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles