Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Karim Benzema oo ammaanay Macallin Pep Guardiola iyo Kooxdiisa Man City ka hor kulankooda Arbacada

$
0
0

(Madrid) 24 Feb 2020. Weeraryahanka reer France ee Karim Benzema ayaa ammaanay kooxda Manchester City iyo hoggaamiyaheeda Pep Guardiola ka hor kulankooda habeenka Arbacada dhici doona ee Champions League.

Los Blancos ayaa garoonkeeda Santiago Bernabeu ku marti galin doonta Man City, lugta koowaad ee wareegga 16-ka tartanka Champions League.

“Waxa aan ka dhihi karo Manchester City ayaa ah in ay tahay koox fiican, haysata macallin fiican [Pep Guardiola],” ayuu Benzema u sheegay UEFA.

“Waa koox ciyaarta kubadda cagta, kuwaasoo aan ka cabsi qabin inay sameeyn doonaan wax badan iyo sidoo kale baasas badan.

“Waxa uu noqon doona kulan dhacdo leh.” ayuu Karim hadalkiisa ku daray.

Si kastaba ha noqotee, Benzema ayaa loo arkaa in qatar badan uu ku noqon doono goosha Kooxda Man City ee uu ilaalada ka yahay goolhaye Ederson Santana de Moraes.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles