Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Marco Reus oo amaanay saaxiibkiis Aubameyang kadib barbarihii xalay

$
0
0

(Dortmund) 08 Dis 2016 Kubadd sameeyaha kooxda Borussia Dortmund ee Marco Reus ayaa amaan huwiyay saaxiibkiis Aubameyang kadib barbarihii xalay.

Reus ayaa sheegay in Aubameyang uu masuul ka ahaa 99% in kooxdiisu ay barbaro lagasho Real Madrid oo ku ciyaaraysay gurigeeda.

Aubameyang ayaa gool u soo celiyay qaybtii labaad ee ciyaarta kooxdiisa ka hor inta Marco Reus uusan 2-2 ka dhigin dhamaadkii ciyaarta.

“Amaanta barbarihii aan la galnay Real Madrid 99% waa mid u laabanaysa Aubameyang, anigana kaliya 1% ayaan leeyahay” ayuu yiri laacibka reer Jarmal.

“Muhiim ayeey ahayd in laba jeer aan hor istaagno Real Madrid, 100% si buuxda diyaar ugama ahayn kulanka maadama aan ka soo laabtay dhaawac” ayuu sii raaciyay.

Gool FM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles