Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Frank Lampard oo si xirfadeysan uga jawaabey kooxda awood badan Chelsea iyo Bayern Munich

$
0
0

(London) 25 Feb 2020. Tababaraha kooxda kubadda cagta Chelsea ee Frank Lampard ayaa si xirfadeysan uga jawaabey su’aal uu weydiiyay mid ka mid ah weriyaashii qeybta ka ahaa shir jaraa’id uu ka soo muuqday kahor kulanka ay caawa la ciyaarayaan kooxda Bayern Munich.

Chelsea ayaa lugta hore ee wareegga 16-ka Champions League caawa kula ciyaareysa kooxda Bayern Munich garoonka dhaca Galbeedka magaalada London ee Stamford Bridge.

Haddaba Frank Lampard ayaa si xirfadeysan uga jawaabey su’aal uu weydiiyay mid ka mid ah weriyaashii qeybta ka ahaa shir jaraa’id uu maanta ka soo muuqday waxaana uu yiri:

“Chelsea waa kooxda ugu liidata? waxaan u maleynayaa in hadalada ku saabsan kooxda liidata kulankan ay banaanka ahaan doonaan”.

“Shaqadaydu waa inaan u diyaar garoobo ciyaarta, isla markaana aan kormeero kooxda naga soo horjeedda, si aan u arko awoodooda iyo awoodeena, iyo inaan ogaado haddii aan heli karo meelo ay daciif ka yihiin, kaddib aan ka faa’ideysano haddii ay jiraan inta ciyaarta ay socoto, waan fahamsanahay inay jiraan kuwa noo arka inaan nahay kooxda liidata, sababtoo ah Bayern Munich way xoogan tahay”.

“Marka aan fiirineyno kooxdooda iyo hibada ay heystaan, iyo waxa ay heystaan ee koobab ah iyo khibradoodii hore, waxaa runtii naga maqan faa’idooyinkan, laakiin arrimahan ma waxay qeexeen inaanahay kuwo liita?”.

“Sidaas darteed xiiso uma qabo waxaan u maleyno ciyaarta ka hor, laakiin waxaan isku dayaa inaan diirada saaro waxa aan ugu baahanahay ee ah inaan isku dayno inaan badino labada kulan”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles