Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Zidane oo ku tilmaamay Guardiola inuu yahay midka adduunka ugu fiican, isaga oo sharaxay sababta

$
0
0

(Madrid) 25 Feb 2020. Macalinka kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa ammaanay dhigiisa leyliga Manchester City ee City Pep Guardiola kahor kulanka ay habeen dambe wada ciyaari doonaan.

Real Madrid ayaa habeen dambe ku soo dhaweyn doonta Manchester City garoonka  Santiago Bernabeu, si ay u wada ciyaaraan kulanka lugta hore wareega 16-ka ee tartanka UEFA Champions League.

Zinedine Zidane ayaa shir jaraa’id uu ka soo muuqday maanta wuxuu kaga jawaabay su’aal aheyd sababta loogu arko Pep Guardiola inuu yahay kan ugu fiican wuxuuna yiri:

“Sababtoo ah isagu marwalba wuxuu muujiyey arrintan, marka hore Barcelona, kaddib Bayern Munich, iyo hadda oo Manchester City ah”.

“Kani waa fikirkeyga, waxaa jira kuwa kale oo leh aragti kal ee ka duwan, kuwaasoo u maleeya inuu jiro macalin kale ee ah kan ugu fiican, waxaa jira tababarayaal badan, laakiin aniga ahaan Guardiola ayaa ugu fiican”.

Zidane ayaa dhinaca kale iska diiday inuu jiro loolan u dhexeeya isaga iyo Pep Guardiola, wuxuuna yiri:

“Waa ciyaar u dhaxeysa Manchester City iyo Real Madrid, ma ahan mid u dhaxeysa Guardiola iyo Zidane.”

“Waa ciyaar kubbadda cagta ah, waxa ay dadku doonayaan inay daawadaan ayaa ah qaab ciyaareed qurux badan, waan ku faraxsanahay inaan ciyaarno kulamo noocan ah”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles