Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Kooxaha Napoli iyo Barcelona oo bar-bardhac ku kala baxay kulankii lugta hore wareega 16-ka UCL…+SAWIRRO

$
0
0

(Napoli) 26 Feb 2020. Kooxaha Napoli iyo Barcelona oo dhibcaha ku qeybsaday kulankii lugta hore wareega 16-ka tartanka UEFA Champions League, kaddib markii ay ku kalabaxeen bar-bardhac 1-1 ah.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Napoli.

Daqiiqadii 30-aad kooxda Napoli ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta, waxaana 1-0 ka dhigay Dries Mertens, kaddib markii uu ka caawiyay goolkan saaxiibkiis Piotr Zielinski.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada kooxood waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan oo goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 57-aad kooxda kubadda cagta ee Barcelona ayaa dhalisay goolka bar-bardhaca, waxaana 1-1 ka dhigay Antoine Griezmann, waxaana goolkan ka caawiyay Nelson Semedo.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay bar-bardhac 1-1 ah ay isku dhaafi waayeen labada kooxood Napoli iyo Barcelona.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles