Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

“Sheekadu wali ma dhamaan, waxaana u bixi doonaa in Man City aan ku soo garaacno garoonkooda” – Zidane

$
0
0

(France) 27 Feb 2020. Tababaraha kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa xaqiijiyay in Los Blancos aysan wali ka harin tartanka UEFA Champions League, inkastoo ay guuldarro ku soo gaartay garoonkooda Santiago Bernabéu.

Manchester City ayaa guul soo laabasho ah ka soo gaartay Real Madrid kulanka lugta hore wareega 16-ka ee tartanka UEFA Champions League, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-2.

Macalinka reer France ee Zinedine Zidane ayaa ciyaarta kaddib wuxuu la hadlay warbaahinta wuxuuna yiri:

“Waxaa jirta xaalad kacsanaan oo qolka labiska ah, laakiin waxaa jirta 90 daqiiqo oo lagu ciyaarayo garoonka City, xitaa haddii aan guuleysan lahayn, sidaas ayaan sheegi lahaa”.

“Waxaan sameynay wixii aan awoodnay waxaana dhalinay gool, laakiin waxay awoodeen inay ku jawaabaan labo gool 10 daqiiqo gudahood.”

“Ceyrinta Ramos? Hagaag, tani waa kubadda cagta, suurtogal ma ahan in la beddelo wixii dhacay, waxaa muhiim ah inaan fiirino waxyaabaha fiican, inkastoo aysan badneyn inay dhacaan natiijooyin sidan oo kale ah.”

“Waxaan ciyaarnay kulan weyn marka laga reebo rubuc saaca ugu dambeeyay, hadda waa inaan halkaas aadnaa oo aan ku guuleysanaa, haddii aan dooneyno inaan u gudubno wareega xiga.”

“Waxaan u guuldarreysanay qaladaad qaar awgood, waxayna qayb ka yihiin kubadda cagta, ciyaartoydu inta awoodooda ah waxay ku soo bandhigeen gudaha garoonka, laakiin diirad saarida ayaa naga maqneyd daqiiqado yar gudahood”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles