Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Diego Simeone oo u hanjabay Liverpool wuxuuna wacad ku maray inuu dhibaateyn doono

$
0
0

(Liverpool) 11 Mar 2020. Tababaraha kooxda kubadda cagta Atletico Madrid ee Diego Simeone ayaa xaqiijiyay rabitaankiisa ah in kooxdiisa ay soo bandhigto ciyaar fiican, kulanka lugta labaad wareega 16-ka Champions League oo ay caawa kula ciyaarayaan Liverpool garoonka Anfield.

Gool uu 4 daqiiqaba ciyaarta marka ay socotay dhaliyay Saul Niguez ayaa u sahashay in Atletico Madrid ay kaga adkaato Liverpool, kulankii lasoo dhaafay ee lugta hore wareega 16-ka UEFA Champions League xagaagan.

Haddaba Diego Simeone ayaa sarre u qaaday heerka dareenka taageerayaasha Liverpool, isagoo carrabka ku adkeeyay in kooxdiisa Atletico Madrid ay awood u leedahay in ay markale la ciyaarto Liverpool kulan adag ee ka fiican kii lugtii hore

Yeelkeede, Diego Simeone ayaa wareysi uu bixiyay kahor kulanka caawa ay Liverpool ku booqan doonaan garoonka Anfield wuxuu yiri:

“Haa, waxaan u malaynayaa inay ka mid tahay tayadeena, waa hanti aad u adag oo aan haysano, waa inaan had iyo jeer sameyno wixii aan si wanaagsan u soo bilownay”.

“Kulankan ayaa u baahan inaan noqono sida ugu macquulsan, waan arki doonaa nooca kulanka uu noqon doonto, waxaan u maleyneynaa inaan dhibaateyn karno iyaga”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles