(Liverpool) 12 Mar 2020. Xiddiga kooxda Atletico Madrid ee Marcos Llorente ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay in kooxdiisa uu ku hogaamiyo sidii ay ugu soo bixi laheyd wareega siddeed dhamaadka ee tartanka Champions League, kaddib markii ay xalay 2-3 kaga adkaadeen Liverpool.
Marcos Llorente oo badel ciyaarta ku soo galay daqiiqadii 56-aad ee qeybta labaad ciyaarta kulankii xalay ka dhacay garoonka Anfield ayaa ku guuleystay inuu dhaliyo 2 gool, kaddib markii uu ka faa’ideystay qaladaadkii ay sameeyeen xiddigaha kooxda Liverpool.
Wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Marcos Llorente kaddib ciyaarta wuxuuna yiri:
“Ma garaneyno meesha ugu sarreysa ee hamigeena, laakiin waxaan u difaactanay ilaa iyo heer dhimasho ah, marka ay kooxda oo dhami ay midoobaan, waxyaabahaas oo kale way dhacaan”, taasoo uu kala jeedo guushii layaabka laheyd ay ka gaareen Liverpool.
“Xaqiiqdii inaan dhaliyo labo gool, waa dareen aan la qeexi karin, aad ayaan ugu faraxsanahay inaan u soo baxno wareega xiga, laakiin sidoo kale shaqo badan ayaa ka jirta horyaalka waana inaan diirada saarno.”
Gool FM.