(Liverpool) 12 Mar 2020. Daafaca reer Holland iyo kooxda Liverpool ee Virgil van Dijk ayaa sheegay in ciyaartoyda Reds aysan awoodin inay hadlaan kaddib guuldaradoodii xalay ka soo gaartay Atletico Madrid.
Kooxda Atletico Madrid ayaa iska xaadirasay wareega siddeed dhamaadka UEFA Champions League, kaddib markii ay cel celis ahaa labadii lugood ay ku wada ciyaareen Liverpool wareega 16-ka ay kaga soo gudubtay farqiga goolasha ee 2-4 ah.
Wargeyska “Metro” ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Virgil van Dijk waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:
“Ma jirin hadal badan, laakiin tababaruhu wax yar buu hadlay, way cadahay in waxa dhacay ay qof walba niyadjab ku abuurtay”.
“Ma jirto cid dooneysay inaan ka harno tartanka Champions League, gaar ahaan kaddib qaab ciyaareedkii aan ka sameynay kulankan, waxaan helnay fursado laakiin kama faa’ideysanin”.
“Waxa ay dadka kale sheegayaan marka ay arrimuhu si wanaagsan aysan u soconin labo ama seddex kulan, wax dhibaato ah naguma ahan, Ku guuleysiga horyaalnimada markii ugu horeysay muddo 30 sano ah kaddib, waxay noqon doontaa wax aad ugu weyn Liverpool”.
Gool FM.