(Madrid) 04 Agoosto 2020. Sergio Ramos waa difaaca ugu fiican Adduunka, waxaana uu sii ciyaari karaa illaa uu ka gaaro da’da 40 sano, sidaas waxaa warinaya xiddigii hore ee Kooxda Real Madrid ay ka wada tirsanaayeen ee Rafael van der Vaart.
Ramos wuxuu ahaa mid saameyn weyn ku leh caawinta Real Madrid inay soo afjarto guushii Barcelona ee horyaalka LaLiga, isagoo dhaliyay 11 gool, iyadoo kooxda Tababare Zinedine Zidane loo caleemo saaray horyaalka markii ugu horreysay tan iyo sanadkii 2017.
Xiddigan reer Spain ayaa laga soo qaatay Sevilla isagoo da’yar sanadkii 2005, wuxuuna ahaa mid weli da’da yaraa markii uu kooxda ku soo biiray Van der Vaart, kaasoo labo sano joogay garoonka Santiago Bernabeu ka hor inta uusan ku biirin Tottenham sanadkii 2010-kii.
“Aniga ahaan isagu waa difaaca ugu fiican Adduunka” ayuu Van der Vaart u sheegay Stats Perform News.
“Markii aan joogay Real Madrid, isago waxa uu jiray 21 ama 22 sano wuxuuna bixinayey tamar badan, wuxuu doonayay inuu meel walba joogo, laadadka xorta ah, gees laadyada iyo meel walba.
“Markii aan daawanayay kulanka maalinta kale, waxaan is iri, ‘Immisa buu jiraa? 34?’ Waxaan rumeysanahay inuu weli sii ciyaari karo lix sano kale, ixtiraam weyn ayaan u hayaa isaga.” ayuu hadalkiisa ku daray Van der Vaart.
Kooxda ku guuleysatay xilli ciyaareedkan horyaalka La Liga ee Real Madrid ayaa diiradda ku haysa dib u soo laabashada Champions League, waxaana Los Blancos ay doonaysaa inay soo laabasho sameyso kulanka ay ka horjeedaan Manchester City.
Real Madrid waxa ay doonaysaa inay dhinaca kale u rogto natiijada 2-1 ee ay kaga soo adkaatay Manchester City kulankii lugta hore ee 16-ka Champions League, inkastoo Ramos uu ganaax ku seegi doono kulanka ka dhacaya garoonka Etihad.
Gool FM.