(Paris) 15 Feb 2017 Weerar yahanka kooxda PSG ee Edinson Cavani ayaa aad ugu farxay xalay in kooxdiisu ay 4-0 uga adkaato kooxda Barcelona oo loo saadaalinayay xiliciyaareed kan hanashada Champions League.
Edinson Cavani ayaa sheegay inuusan waligiis ciyaarin kulan la mid ah kii xalay, wuxuuna u sheegay ciyaartoyda PSG inay dabaal dagaan.
Cavani ayaa intaa ku daray in kooxdiisu aysan haatan ka fikiri doonin kulanka lugta labaad oo la ciyaari doono bisha soo socota.
“Kulankaan oo kale waligeey horay uma ciyaarin, dhabtii kulan gaar ah ayuu ii ahaa aniga iyo kooxdaba, dhamaanteen aad ayaan ugu faraxsanahay natiijada” ayuu yiri Edinson Cavani.
“Waa inaan dabaal dagnaa caawa, barrina waa inaan dib ugu soo laabanaa shaqada iyo tababarka, marwalba waxaan ku fikirnaa waxa nagu soo aadan, marka la gaaro kulanka lugta labaad waan ka fikiri doonaa”.
“Haatan waa inaan raaxaysanaa, barrina waa inaan u diyaar garownaa kulanka horyaalka”.
Gool FM