Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Xiddiga ka tirsan Real Madrid ay kala kulmi karaan halista ugu weyn, maqnaanshiyaha Agüero & dhoowr arrimood uu ka hadlay Aymeric Laporte

$
0
0

(Manchester) 06 Agoosto 2020. Manchester City ayaa garoonkeeda Etihad ku soo dhaweyn doonto habeen dambe ee Jimcaha ah kooxda Real Madrid, si ay u wada ciyaaraan kulanka lugta labaad wareega 16-ka ee tartanka Champions League.

Haddaba daafaca reer France iyo kooxda Manchester City ee Aymeric Laporte ayaa xaqiijiyay sida uu muhiim ugu yahay kooxdiisa kulankan.

26 jirkan oo kulamo badan kaga maqnaa safka kooxdiisa Manchester City sababa la xiriira dhaawac, ayaa diyaar u ah inuu ka qeyb qaato kulanka ay Real Madrid ku soo dhaweyn doonaan garoonka Etihad.

Aymeric Laporte ayaa wareysi uu ku bixiyay wargeyska “Marca” ee dalka Spain wuxuu ugu horeyn ka hadlay maqnaanshiyaha Sergio Agüero wuxuuna yiri:

“Agüero waa laacib xilli kasta muhiim inoo ah, sidoo kale dhamaan goolasha uu dhaliyay iyo rikoorradii uu ka sameeyay xirfadiisa waa muhim, waa mid kamid ah weeraryahanada ugu fiican ee aan soo arkay, laakiin sidoo kale waxaan ku kalsoonahay saaxiibada kale”.

“Sergio Ramos wuu ka maqanyahay Real Madrid, waana maqnaanshiyo muhiim ah, laakiin anagana waxaa naga maqan xiddigo muhiim ah”.

“Xilli ciyaareedkii la soo dhaafay waxaan ku guuleysanay afar koob, laakiin waxaan ku guuldarreysanay Champions League, haddii aan sanadkan ku guuleysano waxay noqon doontaa wax cajiib ah”.

Intaas kaddib Aymeric Laporte ayaa ammaanay shaqada uu Zinedine Zidane ee kooxda Real Madrid iyo xiddiga ka tirsan Real ay kala kulmi karaan halista ugu weyn wuxuuna yiri:

“Benzema wuxuu ku jiraa qaab ciyaareed wanaagsan, wuxuuna dhaliyay goolal badan xilli ciyaareedkan, wuxuuna sidoo kale caawiyaa saaxiibadiis weerarka, waa inaan ka taxadarnaa isaga, sida caadiga ah waa inaan ka taxadirnaa kuwa kale dhamaantood waa ciyaartooy caalami ah”.

“Eden Hazard? Ma ciyaarin kulamo badan xilli ciyaareedkan mana ka bixin karo faahfaahin xaaladiisa”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles