(Madrid) 16 Feb 2017 – Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa garoonkeeda Santiago Bernabeu ku garaacday naadiga reer Talyaani ee SSC Napoli oo marti u ahayd lugta hore ee wareegga 16-ka Champions League, waxaana ay uga badisay 3-1.
Napoli ayaa goolka la horreysay waxaana 8’daqiiqo bilowgii ciyaarta uga naxsaday Real Madrid goolka hore Lorenzo Insigne, kaddib markii baas uu ka helay Marek Hamsik uu ka laaday bannaanka xerada ganaaxa, sidaasna ay shabaqa u gashay inta hoos dustay goolhaye Keylor Navas, kulanka ayaana Real oo marti loo ahaa lagu hoggaamiyey 1-0.
Real Madrid ayaa gool iska soo guday 19’daqiiqo isla qeybtii hore, waxaana kubbad uu dadab ka soo karoosay Daniel Carvajal madax ku dhaliyey Karim Benzema, kulanka ayaana lagu kala nastay barbaro 1-1.
Qeybtii labaad ee ciyaarta markii dib la isugu soo laabtay 49’daqiiqo Real Madrid ayaa hoggaanka ciyaarta la wareegtay waxaana goolka labaad u dhaliyey Toni Kroos, kaddib markii uu dhammaystiray kubbad uu u soo baasay Cristiano Ronaldo oo garab ka soo xarooday kulanka ayaana sidaas ku noqday 2-1 lagu hoggaaminayey Napoli.
Casemiro ayaa hoggaanka u adkeeyey kooxdiisa Real Madrid 54’daqiiqo kaddib markii uu ugu shubay kubbad caaqibo lahayd oo dhul ma dhacdo ah kulanka ayaana ku soo dhammaaday 3-1 ay guusha ku qaadatay kooxda martida loo ahaa ee Real Madrid.
Napoli waxa u fursad u haysataa inay ka soo noqoto goolashaas kulanka lugta labaad ee lagu ciyaari doono ciideeda Talyaaniga.
SAWIRRO:
Gool FM.