Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Horudhac: Barcelona vs Bayern Munich – Shaxda ay ku soo geli karaan, Xaqiiqooyinka & Wax waliba oo aad uga baahan tahay kulanka caawa ee Champions League

$
0
0

(Lisbon) 14 Agoosto 2020. Kooxaha Barcelona iyo Bayern Munich ayaa caawa isku qaban doona kulan ka tirsan siddeed dhammaadka Champions League.

Kulankan oo kala bax ah isla markaana aan loo ciyaari doonin minin iyo marti ayay kooxda Barcelona madaxa gelin doontaa naadiga Bayern Munich ee dalka Jarmalka ciyaar ka dhici doonta magaalada Lisbon.

Kooxda reer Spain ee Barcelona ayaa iska soo xaadirisay siddeed dhammaadka tartankan kaddib markii ay soo garceen naadiga reer Talyaani ee Napoli, halka Bayern Munich oo Jarmalka ka socota ay ku soo kala baxday kooxda reer England ee Chelsea oo labadii lugood ay ka soo dhalisay 7 gool.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: UEFA Champions League

Taariikhda: Jimce 14 Agoosto 2020

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 10:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Estadio da Luz

Garsooraha: Damir Skomina (Slovenia)

Wararka Kooxaha:-

Arturo Vidal iyo Sergio Busquets ayaa labaduba ganaaxyo uga soo laabanaya kooxda Barcelona, waxaana ay gashan doonaan kabohooda si kooxda reer Spain ay ugu buuxiyaan booska khadka dhexe, Busquets ayayna u badan tahay inuu safka hore ku soo bilaaban doono kulanka caawa.

Samuel Umtiti iyo Ousmane Dembele ayaa dhankooda dhaawacyo ka yimid, waxaana la filayaa inay Barcelona u soo laabtaan oo ay ahaadaan kuwo la heli karo kulanka caawa.

Niklas Süle ayaa saftay kulankiisii ugu horreeyay ee tartan rasmi ah tan iyo bishii October kulankii ay Bayern Munich 4-1 kaga badisay Chelsea isbuucii hore, laakiin lama filayo inuu kulankaan ku soo bilowdo.

Ivan Perisic ayaa garabka ka sii ciyaari doona haddii Kingsley Coman uu ku guuldarreysto inuu ka soo kabsado dhaawaca, halka Benjamin Pavard uu isna dhaawac yahay, Thiago ayaa wajihi doona naadiga Barcelona.

Leroy Sane ayaa ah saxiix xilli ciyaareed 2020/21 mana u ciyaari karo kooxda Bayern caawa oo jimce ah.

Alphonso Davies ayaa ka maqnaa tababarka kooxdiisa Arbacadii, isagoo taxaddar sameynaya iyadoo Bayern Munich ay aad ugu baahan tahay inay hesho daafacan bidix.

Xaqiiqooyinka ciyaarta:-

<> Kani waa kulankii ugu horreeyey oo ay labadani kooxood ee Barcelona iyo Bayern Munich ku dhexmara Champions League tan iyo xilli ciyaareedkii 2014/15, markaasoo Barcelona ay Bayern Munich ku reebtay semi-final.

<> Si kastaba ha noqotee, Barcelona ayaa khasaaraha ugu badan kala kulantay Champions League marka ay wajahayso Bayern in ka badan kooxaha kale, waxaana ay kooxda reer Spain guuldarro la kulantay shan ka mid ah siddeedeedii kulan ee ay wajahday naadiga reer Jarmal, saddexda kulan ee kale ayaana ku dhammaaday 2 guul oo ay gaartay Bayern iyo 1 barbardhac.

<> Bayern Munich ayaa guul gaartay siddeedeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay tartanka Champions League.

<> Kooxda reer Jarmal ee Bayern Munich ayaa dhalisay ugu yaraan saddex gool todobo ka mid ah siddeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay tartanka Champions League.

<> Barcelona ayaan la garaacin saddexdeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay tartanka Champions League.

Shaxda Macquulka ah ee labada kooxood:-

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles